Iiraan ayaa duqaysay labo markab oo isku dayay inay khasab ku dhaafaan marinka hurmuz

Wararka iyo Ciyaaraha Soomaaliyeed
wararka Live-ka ah ee ku saabsan dagaalka IIraan, Israail, Iyo maraykanka
Febraayo 28, 2026

Iiraan ayaa duqaysay labo markab oo isku dayay inay khasab ku dhaafaan marinka hurmuz

Iiraan ayaa duqayn ka gaysatay Gudaha Israiil. Dhimashada hadda waxaa la sheegay 5 iyo dhaawaca toboneeyo kale
Waxaa la xaqiijiyay dhimashada Aayatullaah Khumayni
Duqayn ayaa hadda ka dhacday Saldhig ku yaal dalka qadar
Dalalka khaliijka oo ay ugu horreeyaan; Qatar, Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay inay xireen hawadooda,xilli gantaallada Iiraan ay gaareen Qatar iyo Baxrayn.
Dalalka khaliijka oo ay ugu horreeyaan; Qatar, Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay inay xireen hawadooda,xilli gantaallada Iiraan ay gaareen Qatar iyo Baxrayn.
Wakaaladda wararka Iiraan ee IRNA ayaa sheegtay in duqeymaha cirka ay weli ka socdaan goobo kala duwan oo ku yaalla bartamaha Tehran.
Wasaaradda arrimaha gudaha Baxrayn, ayaa si deg deg ah ugu baaqday muwaadiniinteeda inay galaan goobaha gabbaadka weerarrada, ka dib markii gudaha Baxrayn, laga maqlay qaraxyo ka dhashay gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan, sida ay werisey Al Jazeera.
Qatar ayaa ku dhawaaqday inay soo riday gantaal ka yimid Iiraan, sida ay werisey Al Jazeera oo xiganaysa ilo ka tirsan wasaaradda difaaca Qatar.