Bisha barakaysan ee Ramadaan, Muslimiin badan oo adduunka dacalladiisa jooga ayaa sooma saacadaha maalintii. Si aad u hubiso inaad dareento caafimaad inta aad ka soomman tahay cuntada iyo cabitaanka, waxaa muhiim ah inaad ka taxadarto waxyaabaha aad quudanayso ka hor iyo ka dib soomista.
Suxuurta, oo ah cuntada la cuno waaberiga ka hor, waa inaad tamar badan ka hesho karbohaydraytyada aan la sifayn. Sidoo kale marka aad afurayso, waxaa muhiim ah inaad badsato cuntooyinka ku dharjinaya ee nafaqada leh – adigoo iska ilaalinaya milixda badan.
Inta Ramadaanka lagu jiro, waxaan ognahay in habka aan wax u cunno uu isbeddel ku yimaado. Halkii maalintii saddex jeer wax la cuni jiray oo ay dheeri u tahay cunnooyin fudud oo u dhaxeeya, hadda waxay isu beddeshay labo jeer oo keliya waana afurka iyo saxuurta. Tani waxay ka dhigan tahay in ka boodidda qadada ay horseedayso hoos u dhac weyn oo ku yimaada xaddiga cuntada iyo tamarta guud ee jirka soo gasha.
Haddaba, sidee lagu heli karaa nafaqo iyo cunno isku dheellitiran inta la soomman yahay? Waxaanu la hadalnay Idil Tahliil oo ah khabiir dhanka nafaqada iyo cunnada ah oo deggan magaalada Muqdisho, waxayna soo jeedineysaa talooyin muhiim ah.

Xigashada Sawirka,IDIL TAHLIIL
Qoraalka sawirka,Idil Tahliil, khabiir dhanka nafaqada ah
"Qofka waxaa la gudboon in habeenkii marka uu afuran yahay uu qaato cunno dheellitiran oo qofka siin karta nafaqo iyo tamar, jirkiina tamartiisa kor u qaadeysa. Marka sidaa awgeed, qofka waxaa la gudboon in cunnada dheellitiran uu aad u fahansan yahay uuna iska ilaaliyo cunnada dhibka u keeni karta," ayay tiri.
Idil ayaa sheegtay in cunnada sida fudud looga heli karo Soomaaliya ee ku wanaagsan Ramadaanka ay ka mid yihiin timirta oo ay tahay qofku inuu ku af-billowdo, shurbadda noocyadeeda kala duwan oo dalagga laga sameeyay, iyo manaafacaadka xoolaha oo laga helo borotiin.
"Qofku waa inuu ku biilowdaa timir iyo biyo, uuna ku xijiyo mishaari laga sameeyay dalagga diirka leh. Kadibna waa inuu waqti yar qaato si dheefshiidkiisa uu isugu diyaariyo cashada. Kadib waa inuu qofku casho ka sameystaa cunno uu borotiin iyo karbohaydarayt ka heli karo sida hilibka iyo bariiska, iyo khudradda oo qofku ka helayo fitamiinno,"

