Sirta Horumarka: Maxaad ugu Baahantahay Documentation halkii aad ka daawan lahayd YouTube?
Maalin ayaan la fadhiistay mid ka mid ah saaxiibaday oo ah Developer aad u xirfad badan. Waxaan dareemay wax layaab leh intii uu ku guda jiray dhismaha "Feature" aad u adag: marnaba ma uusan furin YouTube, mana uusan raadinayn koorsooyin cusub oo "Update" ah. Waxa kaliya ee uu dhinac dhigtay waxay ahayd bog ay ku qoran yihiin ereyo farsamo oo badan.. waaΒ Documentation-kaΒ rasmiga ah.
Waxaan weydiiyey isagoo aad u xiisaynaya: "Saaxiib, waxaan arkaa inaad hawsha ku dhameynayso kala badh waqtiga ay dadka kale qaataan. Markasta oo aan wax ku weydiiyona waxaad igu tiraahdaa 'Docs-ka ayaa saas leh'.. Sideed wax u barataa? Sideese u akhridaa qoraalkan caajiska ah ee aad nuxurka ugala soo baxdaa?"
Wuu qoslay wuxuuna igu yiri weedh gabi ahaanba beddeshay fekerkaygii: "Fiiri, casharrada YouTube-ka (Tutorials) waxay la mid yihiin cunto diyaarsan (Ready-made food) oo qof kale kuu kariyey isagoo raacaya dhadhankiisa. Laakiin Documentation-ku waa bakhaarka ay ku jiraan dhammaan waxyaabaha 'Fresh-ka' ah ee cuntada lagu karsado."
Qofka ku tiirsan waxa diyaar u ah wuxuu had iyo jeer ku xirnaan doonaa dhadhanka qofkii u kariyey, laakiin qofka yaqaanna sida loo akhriyo Documentation-ka wuxuu awoodaa inuu karsado wax kasta, xilli kasta.
3 Talo oo Dahabi ah si aad uga gudubto cabsida Documentation-ka
Si aad u noqoto Developer madax-bannaan oo xirfad leh, raac talooyinkan uu saaxiibkay ila wadaagay:
1. Ha u akhrin Documentation-ka sidii sheeko (Novel)
Documentation-ku waa tixraac (Reference) ee ma aha buug loogu talagalay akhriska caadiga ah. Ku billow qaybtaΒ Quick StartΒ si aad u fahanto fikradda guud, ka dibna u gudub qaybtaΒ API ReferenceΒ marka aad u baahato macluumaad gaar ah oo ku saabsan shaqo cayiman.
2. Search-ka waa saaxiibkaaga koowaad
Isticmaal bar-ka raadinta (Search bar) ee ku dhex jira mareegta rasmiga ah. Baro sida loo raadiyo erey-bixinada saxda ah (Keywords). Documentation-ka waxaad markasta ka dhex helaysaaΒ
